Mas’uuliyiin Ka Tirsan Galmudug oo Gaaray Deegaano Shabaab ay Ka Talinayeen+Dhageyso

Mas’uuliyiin Ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Xillibaano Deegaan Doorashadoodu ay tahay Koonfurta Gobolka Mudug Ayaa Maanta gaarey Deegaano hoostago Degmada Xarar dheere  ee koonfurta Gobolka mudug  , halkaas oo ay  mudo dheer   horey u Maamulayeen   Al-shabaab.

Mas ‘uuliyiin katir san Maamulka  Mudug oo halkaas gaarey ayaa sheegey in ay u kuur galayaan Xaladaha kala duwan ee deegaanadasi ka jira sida amniga, arimaha bulshada iyo baahiyaha kala duwan oo ay qabaan bulshada ku dhaqan deeganada hoostaga degmada Xarer-dheere sidoo kale waxa ay sheegen  in ay ay san dadku helin  xaquuqdii ay ku la haayeen Maamulka Galmudug ,halkaas oo muddo Dheer  Go’doonsanayd islamarkaan ay Al-shabaab Maamulayeen .

Xilliban C/risaaq Cali Axmed oo ka tirsan Baarlamaan ka Maamulka mudug  islamarkaan  Hogaaminayo Waftiga  ayaa   Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho  Faahfaahin Kasiiyey Deeganada ay tageen  iyo  kuwa xilligaan aykusii wajahan yihiin ee hoostaga Degmada xarer Dheere Asaga oo  Sheegey in Dadku ay dhibaatooyin Badan oo kala Duwan qabaan  islamarkaan aysan

Helin adeeg yadii  ay ku lahaayen Maamulka Gobolka Mudug iyo Dowlada Federalka Soomaaliya  kuwaas oo muddo Dheer ku jirey Go’ doon islamarkaan Al Shabaab Ay  Sannado badan  Maamulayeeen.

Xilibaanka ayaa xusey  in ay xooga saarayaan sidii dadka kunool Deeganda hootaga Degmada Xarer Dheere  ay  u heli lahaayeen Xuquuqdii ay ku lahaayeen Maamulka Galmudug islamarkaan ay Gaarsiinayaan Maamulka Gal-mudug.

Waftigan ayaa ku soo Aadaayo Xilli Bulshada Ku dhaqan Koon furta Gobolka Mudug aysan Ka helin Adeegadii iyo Xuquuqdii ay Ku lahaayeen Maamulka Gal Mudug Maadama Sannado Badan ay Godoon Ku jireeen Islamarkaana  ay Maamulayeen AlShabaab .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.