Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Puntland oo Lagu Dilay Gaalkacyo

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya mas’uul ka Tirsanaa maamulka Puntland oo xalay lagu dilay magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay taliyihii kastamka Wasaarada Maaliyada Maamulka Puntland,kadibna waxay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Mas’uul la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Xasan Cabdulle Hiraaabe  waxa uuna ahaa taliyihii kastamka Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Intaasi ka dib ciidmadda amaanka magaaladda Galkacyo gaar ahaan kuwa maamulka Puntland ayaa waxa ay bilaabeen hawlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilka loo geystay Masuulka ka tirsanaa maamulka puntland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.