Mas’uul Ka Tirsa Dowladda oo Muqdisho Loogu Dilay Maseyr

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Raadeelka Degmadda Deyniile ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in Haweeney ay halkaas ku dishay Seygeeda.

Sida uu idaacadda Simba u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka,haweeneyda ayaa falkaas u adeegsatay Toorey ay ka galisay Qoorta si gaadmo ah.

Waxa uu sheegay in ninka la dilay uu Gudoomiye waaxeed ka ahaa Degmadda Deyniile, gaar ahaan Waaxda Halgan, islamarkaana haweeneyda ay maseyr dartii u fulisay falka.

Waxaa la sheegay in Cabduqaadir Fooldibi oo ah ninka la dilay ay xaaskiisa ka Masertay booqasho uu ugu tagay Xaaskiisa hore ay kala tageyn.

Kaddib dhaawac culus oo kasoo gaaray Tooreey ay ku dhufatay xaaskiisa ayaa loola cararay isbitaalka Digfeer halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday, Waxaana meydka guddoomiyaha la dhigay xaruunta CID-da ee Muqdisho xilli Haweeyneedii dilka geesatay ay baxsatay welina lagu raad joogo.

Falalka noocaan oo kala ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay Magaaladda Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.