spot_img

Mareykanka oo Hanjabaadii Labaad 24 Saac Gudahood Ka Soo Saaray Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku hanjabtay in ay cunaqabateyn saari doonto Soomaaliya, hadii la dhaqan galin waayo Jadwalka doorashaddda Soomaaliya ee lagu heshiiyay.

Qoraal laga soo saaray Wasaarada Arrimaha Dibbada Maraykanka ayaa loogu digay dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in tilaabo uu ka qaadi doono kuwa uu ku tilmaamay in ay yihiin qaswadayaal, oo caqabad ku ah doorashadda Soomaaliya.

“Doorashada Soomaaliya muddo sanad ah ayay dib uga dhaceen xilligeedii,Maraykanku waxa uu diyaar u yahay inuu talaabo ka qaado qaswadayaasha hadii aan la dhaqan gelin jadwalka ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay waaxda arrimaha Afrika u qaabilsan dowlada Maraykanka.

Waa digniintii labaad  muddo 24 saacadood gudahood ah oo Mareykanka kasoo saarayo doorashadda Soomaaliya.

Shalay Mareykanka ayaa ku hanjabay in Soomaaliya Cunaqabateyn uu saari doono hadii la dhaqan galin waayo jadwalka cusub ee doorashadda Soomaaliya ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladd iyo Maamul Goboleedyadda.

Related Post

Wararka