Maraykanka oo Sheegay in ay Dileen Xubin Sare oo Ka Tirsan Shabaab

Maraykanka ayaa sheegay in ay dileen xubin sare oo ka tirsan Shabab, war ay so saareen taliska ciidamada Maraykanka ee loo soo gaabiyo magacooda AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyn ka fuliyeen degaanno a tirsan Gobalka Baay.

generaal Stephen Townsend oo ah taliyaha Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM  ayaa sheegay in shaqsin uu ahaa hoggaamiye muhiim ah oo Al-Shabaab ka soo qabtay jagooyin kala duwan, kana mid ahaa aas aasayaasha Ururka, waxaana magaciisa ay ku sheegeen  Yuusuf iis.

Waxaa ay duqayntaani ay ka dhacaday degaan lagu magacabo Bush Madina oo ka tirsan Gobolka Baay.

“Shaqsigan wuxuu ahaa hogaamiye muhiim u ahaa Ururka Al-Shabaab, wuxuu ahaa nin arxandaran, rabshada badan, mas’uulna ka ahaa nolosha dad badan, dilkiisa waxay ka dhigeysaa Soomaaliya iyo dalalka deriska ah mid nabad ah”ayuu yiri Jeneraal Stephen Townsend.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.