spot_img

Madaxweyne Qoor Qoor Loogu Baaqay in uu Deg Deg u Joojiyo Dagaalka Guriceel

Iyadoo wali aan wax xal  ah laga gaarin xiisada dagaal ee ahlusuna iyo Maamulka Galmudug ayaa waxa soo baxaya baaqyo kala duwan oo lagu dalbanayo in dagaalka la joojiyo oo wadada iyo wada xaajood lagu dhameeyo khilaafaadka taagan

Qaarka mid ah aqoon yahanada soomaaliyeed ayaa si aad ah uga deyriyay dhiiga sida macnadarada ah laisga daadinayo magaalada Guriceel

Waxaana sheegeen in loo baahanayahay in dhibaatadaasi jirta lasoo afjaro

Pro Maxamed Axmed Maxamuud oo la hadlay war qabadka simba ayaa waxa uu nasiibdaro ku tilmaamay dagaal ka soconaya magaalada Guriceel

Waxaana uu eedeyn kulul ujeediyay hogaaminayay Maamulka Galmudug Axmed kaariye isagoo sheegay in wax kasta oo ka dhaca halkaasi uu isagu masuuliyadeeda qaadayo

Pro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xita hadii kooxda ahlusuna ay madax adeygtay loo baahnaa in uu qaado talaabo aan dagaal aheyn oo lagu xalin karo arintaasi

hadalka pro ayaa kusoo aadaya xili Maalmihii lasoo dhaafay ee todobaadkaan ay Dagaalo xoogan oo khasaaro badan dhaliyay ay Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug iskaashanaya iyo kooxda hubeysan ee ahlusuna uu ku dhexmarayay Magaalada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud

Related Post

Wararka