spot_img

Madaxweyne Lafta Green Oo Kulamo La Qaatay Gudiyada Doorashooyinka Qaran

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan looga hadlayey Arimaha Doorashooyinka Xildhibaanada Gollaha Shacabka la qaatay Gudiyada Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal (FIET) heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka.

Guddiga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si gaar ah iga xogwareystay hufnanta doorashada Golaha Shacabka ee ka socota deegaanada iyo Cabashooyinkii laga muujinayay doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddiyada la wadaagay sida ay dadaalka dheer iyo juhdiga ugu bixiyeen in doorasho xor iyo xalal ah ay ka dhacdo deegaanada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Cabdiraxmaan Ciro ayaa kulanka kadib ka Warbixiyay si ujeedka ay utageen magaalada beydhabo

Waxaana uu sheegay in halkaasi ay utageen in ay la kulmaan madaxweynaha Koonfur Galbeed si ay uga la hadlaan Cabashada Doorashada

Si gaar ah kursi sumadii sutahay  hop103 oo uu horay ugu fadhiyay Guddoomiyihii hore ee Gollaha shacabka maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari islamarkaasna cabasho laga muujiyay kursigaas

Maxamed ciro ayaa dhankale tilmaamay in doorashada iyo sida guddigu ay wax uwadaan ay arkeen ayna shaqadu wanaagsanyaahay balse ay cabashada kansalgaarayaan.

Related Post

Wararka