Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaran

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay sharciga doorashooyinka qaran ee heer federal oo ay dhowaan ansixiyeen golaha shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku saxiixay sharciga doorashooyinka Qaran munaasabad lagu soo xirayay kalfadhiga lixaad ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre ayaa xaflad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada waxa uu masuuliyiintii iyo martidii ka soo qaybgashay uu ka hor akhriyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, ee uu Madaxweynuhu saxiixay.

Tani ayaa waxay timid, ka dib markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay maalintii Talaadada, Madaxweyne Farmaajo ka codsadeen inuu saxiixo Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Sharcigan ayaa waxaa horey u soo ansixiyay Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib markii ay siyaabooyin kala duwan u yeesheen kulamo ay kaga doodayeen, sidii loo meelmarin lahaa sharcigaasi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.