Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyadda Kulan Kula Yeeshay Xildhibaano

Madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa xalay Madaxtooyadda Soomaaliya kula Kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanadda iyo Madaxweynaha ayaa kawada hadlay arrimaha Doorashadda,waxayna madaxweynaha ka dalbadeen in uu cadeeyo mowqifkiisa doorashadda.

Sidoo kale Xildhibaanadda ayaa kasoo horjeystay waxa ka socda Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa Xildhibaanada uu qaabilay Madaxweyne Farmaajo ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha kulanka looga hadlay.

“Kulanka waxa uu ahaa mid wax is weydiin iyo wax isu sheegid la xiriirta nidaamka dastuuriga ee dalka iyo shuruucdiisa, dhaqangalkeeda iyo hawlaha la xiriira doorashooyinka dalka iyo waxa markaasi kaga aadan fulinteeda Gole-yaasha Dowladda iyo Madaxweynaha oo isagu ah ilaaliyaha sharciga,waxaa isugu kaaya keenay anagoo hal shacab, hal umad iyo hal qaran ka wada tarjumeyno, oo waxa anaga hawshayada ay tahay ku dhaqanka iyo ilaalinta sareynta sharciga.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Ugu dambeyntii xildhibaan dalxa ayaa sheegay in la isku afgartay in aan faraha lala galin waxyaabaha ay ansixiyeen Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ee doorashooyinka ku aadan.

Kulankaan ayaa imaanaya xili Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka galmudug ay kuwawada Sugan yihiin Raisulwasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda,waxaana laga wada hadlayaa arrimaha Doorashooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.