spot_img

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Kulamo Ka Bilaabaya Dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo saacado ka hor gaaray dalka qadar ayaa waxa lagu wada in maanta halkaasi ka bilaabo kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo masuuliyiin ugu sareysa dalkaasi

Si gaar ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maantay ula kulamaya Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiin bin xaamid Athaanii

Labada Masuul ayaa waxa ay ka wada hadlayaan sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo qadar iyo sidii laiskaga hormarin lahaa Ciyaaraha

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka qadar utagay ka qeyb galka furitaanka koobka carab kaab oo ka furmaya Daalkaasi

Waxaana madaxweynuhu uu shalay u ambabaxay wadanka qadar markii uu casuumaad rasmi ah ka helay  Amiirka dalka qadar

Sidookale waxa la filayaa in inta uu Madaxweyne Farmaajo kusuganyahay dalka uu kulamo doceedyo la qaato madax kale ee carbeed kuwaas oo lagu casuumay Furitaanka Tartankaan

Related Post

Wararka