Madaxweyne Farmaajo, oo Kulan La Yeelanaya Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh

Magaaladda Muqdisho waxaa xalay ka dhacay kulan loogu gogol xaarayay Kulan guud oo dhexmaraya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulanka waxa ka qeyb galay Xubno ka Tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya,iyo Xubno kale oo ka Tirsan Madasha Xisbiyada Qaran.

Sida laga soo xigtay ilo kalsoonan karo kulanka xalay ayaa loogu hadlay diyaarinta Ajandayaasha shirka Arbacada ay yeelanayaan Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka Dowladda Soomaaliya waxaa kulanka u matalayay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin,halka Madasha Xisbiyada Qaran uu matalayay Xildhibaan Axmed Fiqi oo ah Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid xalinaysa tabashooyinka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif iyo Xasan Shiikh,kuwaasi oo maalmihii dambe eedeen jeedinayay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.