Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaaladda New York ee Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha waxaa Magaaladda New York ee dalka Mareykanka kusoo dhaweeyay Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay Abuukar Baalle.

Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doono madashan kulminaysa Hoggaamiyeyaasha Caalamka, iyada oo meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu sumaday “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar gooynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbaddelka cimilada.”

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galaya howlaha meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qeyb galaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyeyaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa safka hore kaga jira xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.