spot_img

Madaxweyne Deni oo Kulan La Yeeshay Madaxdii Hore ee Puntland

Magaaladda Garoowe ee Caasimadda  Gobolka Nugaal waxaa xalay ka dhacay kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa,Madaxweynayaashii Hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Raisulwaasaarihii Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Kulanka  ayaa ku saabsanaa Arrinta ka taagan magaalada Boosaaso, ee u dhexaysa Xukuumadda Puntland iyo Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano gaar ahaanna Go’aannadii dhowaan ka soo baxay qaar kamid ah Isimada Puntland oo uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay in si isku mid ah loo wajaho Xaaladda magaaladda boosaaso,madaama Raisulwasaarihihi Hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke uu sheegay in uusan qeyb ka aheyn go’aanadda kasoo baxay Madaxdii hore ee Puntland ee arinta Magaaladda Boosaaso.

 

Related Post

Wararka