Madaxweynayaashii Hore Ee Soomaaliya Iyo Madaxweynaha Puntland Oo Ku Wajahan Kismaayo

Soo dhaweynta Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa ka socota Magaalada Kismaayo ee Maamul Gobaleedka Jubbaland halkaasi oo dadweyne badan iyo Madaxda Jubbaland ay ku soo dhaweynayaan Mas’uuliyiintaan.

Ujeedka Safarkood ayaa ah ka qeybgalka Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo ay wehliyaan 50-Xubnood oo  ka tirsan Golayaasha Maamulka Puntland ayaa maanta tagaya Magaalada Kismaayo,kuwaasi oo Diyaarada Madaxweyne Axmed madoobe uu u direy ay ka qaadeyso Magaalada Garoowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.