spot_img

Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo ku Wajahan Magaalada Riyaad ee Wadanka Sacuudiga

Sida aynu wararka ku halayno Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa saakay ku wajahan Magaalada riyaad ee wadanka sacuudiga si ay ula kulmaan Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis

Madaxweynaha soomaliya ayaa la sheegayaa in dalka sacuudiga uu Joogi doono Mudo labo Maalin ah madaxda dalka sacuudiga ayuu kala Hadli doonaa xiriirka dhinacyada dhaqaalaha, Siyasada iyo amaanka iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Yemen.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud uu ku Tagayo wadanka sacuudiga ayaa imaanaysa xili  Maalmo ka Hor boqorka sacuudiga uu la kulmay Raisul wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane ismaaciil cumar Geelle

Safiirka dowlada soomaliya u Fadhiya wadanka sacuudiga Dahir Maxamud Gelle ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha soomaliya ay wehliyaan wasiirka  arimaha dibada, Maaliyada. Iyo warfaafinta ay kusoo wajahan Yihiin Magaalada Riyaad ee  wadanka sacuudiga

 

Related Post

Wararka