spot_img

Madaxweynaha soomaliya oo Baarlamanka ka codsaday Meel Marinta Sharciga La dagaalanka Argagaxisada

Madaxweynaha dowlada soomaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisa ay Muhiin u Tahay meel marinta sharciga la dagaalanka argagaxisada oo Haatan Horyaala Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya

Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha soomaliya  ayaa aaminsan in Hadii la meel Mariyo sharciga la dagaalanka argagaxisada ay dowladiisa awood u yeelan doonto la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada

Sidoo kale Madaxweynaha dowlada soomaliya xasan sheikh Maxmauud ayaa kula Dar-daarmay xildhibaanada Baarlamanka soomaliya  in ay si hufan u wadaan shaqada hortaalla kalafadhigga 7-aad oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha soomaliya ayaa hadalkaan jeediyay kadib markii shalay Xarunta Golaha shacabka Lagu qabtay Xaflada Furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya

 

 

 

Related Post

Wararka