Madaxweynaha punntland saciid cabdulahi dani ayaa waxa uu xalay xilalkii ka qaaday taliyaal iygoona taliyaal cusub magacaabay
Madaxweynaha Dowladda Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dargelinta hawlaha Amniga ee gobolada Sanaag iyo Karkaar
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag.
2. Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay ayaa lagu yiri madaxtooyda puntland.
madaxweynaha puntland saciid cabdulahi dani ayaa dhowr jeer oo hore sdaan oo kale saameeyay xilil ka qaadis iyo magacaabis taliyaal ,waxaana sababta lagu sheegaa in isku shaandheyn lagu sameynayo ciidan ka howlgala deegaanada puntland.
madaxweynaha puntland ayaa markii markaan ka horeysay shaqajoojin ku sameeyay saraalkii ciidan oo ka howlgalaya magaalada badhan bil ka hor