Madaxweynaha Puntland Oo Gudoomiye iyo Ku Xigeenkiisa Umagacaabay Degmada Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo
Markuu tixgeliyey: talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey :-
1. Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo
2. Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo
3. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.