Madaxweynaha oo Ka Qeybgaaly Salaadda Janaasada Meydka RW Hore Xasan Abshir

Meydka Raisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax ayaa goordhow laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo ay ku sugayeen madaxda Qaranka.

Madaxweynaha JFS,guddoonka Baarlamaanka,R/wasaare kuxigeenka Dalka,madaxweynayaashii hore, iyo xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay Salaadda Janaasada,iyadoo lagu wado in lagu aaso magaalada Garoowe.

Dhanka kale magaalada Garoowe waxaa ka soconaysa qaban qaabo ku aadan aaska meydka Xasan Abshir R/wasaarihii hore,iyadoo la filayo in ay ka qeybgalaan R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,madaxda dowlad goboleedyada.

Dhawaan ayuu ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, oo in muddo ah uu ku xanuunsanayay,Xasan Abshir ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka Soo maray.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.