Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Ka Tacsiyeeyay Geeridda Wasiirkii Deegaanka

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Maamulka iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo goordhoweyd caabuqa covid-19 ugu geeriyooday Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Wasiir Gama’diid wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanada Puntland, hadana ka mid ahaa xubnaha Golaha Wasiirada oo runtii shaqo wanaagsan u hayey dalka iyo dadka.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa Goleyaasha gaar ahaan golaha xukuumadda, shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

=DHAMMAAD=

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.