Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xaalada Degmada Xudur Ka Xog-wareeystay Ururka dhalinyarada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa kulan la qaatay Ururka Dhalinyarada Gobolka Bakool iyadoona la sheegay in kulaankaani looga hadlayey Arimaha badan oo ku saabsan Doorka Dhalinyarada ay ku leeyihiin Dib-Udhiska Dalka Adkaynta Dowladnimada Hagaajinta iyo Hormarinta Bulshada.

Kulankaan uu madaxweynaha koonfur galbeed la qaatay ururka dhanlinyarada gobolka bakool ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid is xogwareysi ah oo looga hadlayay arimo uu ka mid yahay amniga deegaanada gobolka bakool .

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxa ay sheegeen in madaxweynaha ay kala hadleen arimo kusaabsan xaalada degmada xudur ee xarunta gobolka bakool iyo caqabadaha jira ee heysta dhalinyarada .

Waxa kaloo dhilinyaradu ay sheegeen in madaxweyne lafta gareen ay iska xog wareysteen arimo ku saabsan dhanka amniga iyo waddooyinka degmada xudur ee xiran iyo arimo kale oo kusaabsan qorshaha maamullka madaxweyne lafgreen ee doorashada dowladda faderaal gaar ahaana mid lagu dooranayo xilldhibaanada ku malaya maamulka koonfur dowladda federaalka soomaaliya

Ugu dambeyntiina dhalinyarada ayaa sheegay in kulanku uu kusoo gabgaboobay waxyaabo la taabnkaro iyo dardaaran

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha mamulka koonfur galbeed cabdi casiis xasan maxamed lafta gareen kuwaas oo iskugu wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka koonfur galbeed ayaa dhawaan gaaray magalaada xudur ee gobolka bakool halkaasi oo ay ka jirtay caqabado badan oo ka dhanka nolosha ah iyo amnigaba ah  islamrkaasna la sheegay in magaalaad dhamaan wadooyinka soo gala la godoomiyay taasi oo qeyladhaan xoogan ay ka muujiyeen dadka ku dhaqan degmada xudur