Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Dib Ugu Laabtay Beydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dib maantay ugu laabatay magaalada beydhabo ee xarunta gobolka baay  kadib safar shaqo oo uu ku joogay caasimada dalka ee muqdisho

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyda qaar oo uu kujiray madaxweyne lafta gareen ayaa muqdisho soo gaaray kadib markii madaxweyne farmaajo uu iclaamiayay in lagu laabanayo wadahadaladii shirkii afisiyooni si looga wada hadlo dhameystirka arimaha doorashooyinka gaar ahaa dhameystirka heshiiskii 17 september

madaxweynayaasha dowlad goboleedka koonfur galbeed safarkiisa ayaa lagu macneeyay dhowr arimoood ,waxaana la tilmaamay in arintani ay muujinayso in wali maamul goboleedyadu ay ka caga jiidayaan shirka looga hadlayo doorashada dalka ka dahceysa

waxaana la saadaalinayay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada qaar  ee muqdisho ka maqan ay soo gaarayaan si uu u furmo shirka madaxda dowlada iyo maamul goboleedyada dalka