spot_img

Madaxweynaha Kenya Oo Ku Dhawaaqay In Aysan Aqbaleyn Xukunka Dacwada Badda

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatt waxa uu ka hor yimid Go,aankii  Shalay ay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka Ee ICJ ay Soomaaliya Ugu Xukmisay Kiiskii Dacwada Badda

Madaxweynaha kenya ayaa waxa uu si cad u sheegay in kenya aysa  aqoonsanin xukunka Maxkamadda ICJ islamarkaasna aysan aqbalayn Waxkasta oo kasoo baxay.

Waxaana uu intaasi Raaciyay Hadal Caro Badan ka Muuqatay Oo Ku aadan In Xiriirka Soomaaliya iyo kenya Uusan Sidiisa Sii Ahaan Doonin

Ma aqbalayno mana aqoonsanin xukunka ka soo baxay Maxkamadda ICJ waana mid wiiqi doona xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya” Ayuu yiri madaxweynaha Kenya 

Talaabada ay Qaaday kenya ayaa waxa ay ka dhigantahay in markale laisla Aadi Doono Golaha Amaanka Qaramada midoobe

Maadaama ay Maxkamadda ICJ ay Hoostagto Qaramada Midoobe Islamarkaasna uu jiro Sharci Dhigaya in Xukunka Maxkamadda Hadii uusan Hal Dal ku Qancin Si Toos ah Loo Geeynayo Golaha Amaanka Qaramada midoobe

Related Post

Wararka