spot_img

Madaxweynaha Jubbaland Oo Kulan La Yeeshay Guddiyada Doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiinta Guddiga hirgalinta doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland, isagoo ka dhagaystay duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hada shaqadu u socoto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in shaqada Guddiga ay u dhacdo si hufan oo daah furan sida ugu dhakhsiyaha badan.
Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayuu ku amaanay Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam shaqada adag ee ay hayeen Guddiga maalmihii lasoo dhaafay.
kulankaan ayaa kusoo aadaya xili isha lagu hayo doorashada senetarada aqalka sare oo la filayo in ay dalka ka bilaabato gaar ahaan magaalada kismaayo
Waxaana si weyn looga dhursuyaa qaabka doorashadu ay uga dhici karto deegaanada jubbland iyadoo maamulka uu culeysyo farabadan oo dhinaca kala aragti duwanaanshaha dad reer jubbaland ay heystaan.
Arinta ladoonayo ayaa ah in doorasho buuq ah la,aan ah oo tabasho aysan ka jirin in laga qabto magalaada kismaayo iyadoona ay taasi keentay in waqti badan ay dib u dhacdo doorashadu islamarkaasna lala eegayo waqtiga ugu haboon oo la qaban karo
Waxaa intaasi dheer oo magalaada kismaayo kusugan guddiga doorashada qaran oo xaalada si dhaw ula socda islamarkaasna ka cararaya in is qabqabsi uu dhaco

Related Post

Wararka