Madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor oo Gaaray Magaaladda Gaalkacyo+Sawirro

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta galinkii dambe soo gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa afaafka hore ee Magaalada kusoo dhaweeyay xubno ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo qaar ka mid ah Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Garoonka Cabdullahi Ciise oo soo dhaweyn diiran loogu saamayay ayaa waxa uu sheegay in safarkiisu ahaa safar nabad iyo iskaashi islamaarkaana uu Gaalkacyo u yimid in uu dhageysto baahiyaha iyo tabashooyinka reer Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Gaalkacyo tahay halbowlaha Galmudug uuna mudo joogi doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.