Madaxii Dilalka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir oo Iscasilay

Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in uu iscasilay Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka banaadir.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Nisa ayaa lagu sheegay warkaan ku saabsan iscasilaadda Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab.

Magaca Madaxii Amniyaadka Shabaab ee Gobolka banaadir ayaa lagu sheegay Muuse Mo’allim Macaawiye.

Khilaafka ka dhaxjira Hogaanka Alshabaab ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay Iscasilaadda Madaxii Amniyaadka.

“Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Alshabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin ( Mucaawiye) oo ” 39, jir ah” oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay”,ayaa lagu yiri warka Nisa.

Hay’adda Nisa ayaa dhawaan sheegtay in Hogaamiyaha shabaab uu xilalkii ka qaaday Laba Sarkaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.