Maamulka Mahadaay oo Sheegay in Shacabka ay Bilaabeen Iney Barakacaan+Dhageyso

Qaarka mid ah Shacabka  Degmada Mahadaay ayaa Saacadihii aanu soo dhaafney waxaa ay Bilaabeen inay ka Barakacaanka Gudaha Degmadaasi ka dib ay soo Baxday Cabsi la Xiriirta in Al-shabaab ay la Wareegaan Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ee Gobalka shabeelaha dhexe Axmed Xussen Afrax oo la Hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in Shacabka Degmadaasi ay ku sugan yihiin Cabsi iyo Walwal Xoogaan ku Aadan Abaabulka Weerar Qorsheysan oo Al-shabaab ay ka wado Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha dhexe.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dadka Shacabka ah ee Degmadaasi ka qaxaya ay yihiin Dhalinyarada Taageersan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Degmada Mahadaay ee Dowladda Gobaleedka Hirshabeelle waxaana sheegay in Arintaasi ay tahay mid Nasiib daro ah.

Dhankale Gudoomiyaha Degmada ayaa sheegay in si arintaan wax looga qabto ay Xiriir la Sameeyeen Mas’uuliyiinta Heerarka kala Duwan ee Dowladda Soomaaliya Balse aysan Teleefoonada ka Jawaabin taasi oo Xoojisay niyad Jabka ay Dareemayaan Shacbka Degmadaasi.

Saacadihii la soo dhaafay Cabsi Xoogan ayaa ka bilaabatay Degmada Mahadaay ee Gobalka shabeelaha dhexe oo la soo wariyey in Al-shabaab ay dhaqdhaqaaqo ka wadaan Degaano Hoos yimaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.