spot_img

Maamulka jubbaland Oo Dagniin Adag Kasoo Saaray Roobab Dabeyla Wata Oo Ka Da,aya Jubbada Hoose

Waxaa deegaano Ka Tirsan gobolka Jubbada Hoose Ka da,ay Roobab dabeyla wata kuwaasi oo Khasaare kala duwan oo Naf iyo maalba leh  Dhaliyay.

Warar aan ka helayno gobolada jubbooyinka ayaa sheegaya in jasiirada kudhaa ee dhacda dhanka gobolka jubbada hoose ay ku dhufteen roobab xoogan oo dabeyla wata ,waxaana la sheegay in ay saameeyn weyn ay ku yeesheen dadka iyo deegaankaba.

Agaasimaha Guud Ee wasaarada Kaluumeysiga jubbaland Maxamed ugaas khaliif oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu faahfaahin buuxda ka bixiyay khasaarihii ugu dambeeyay ee ka dhashay robaabka dabeeylaha wata ee ka da,ya gobolka jubbada hoose

Waxaana uu sheegay in Jasiirada Kudhaa Lagu wayay laba qof oo kaluumeysato ah islamarkaasna roobabka iyo dabeyluhu ay sabab burbur xoogan oo ku dhacay guryaha u dhaw dhanka xeebaha

Agaasimaha ayaa dhanakale fariin adag u diray dadka kaluumeuysatada ah in ay ujalaabtagaan xiligaan adag bada isagoo intaasi raaciyay intalaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadidoonan cidkasta oo ka dhaga adeegtay awaamiirta ay soo saareen oo ku aadan khatar badan oo ay ka dareemayaan dhinaca badda

 

 

Related Post

Wararka