Maamulka Hirshabeelle oo Beeniyay Hadal ay Qoreen Saxaafadda Kenya

Maamulka Hirshabeelle ayaa gaashaanka u daruuray warar dhawaanahaan soo baxayay oo sheegayay in diyaarad Shalay ku Gubatay Magalada Baladeyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan uu sabab u ahaa Dameer in ay soo dhacdo Diyaaraddu.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobalka Hiiraan Xuseen Cismaan Cali oo waraysi siiyay Idaacadda Simba ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid dacaayad ah, waxaa uu sheegay in aysan macquul ahayn in xoolo ay soo galaan garoonka diyaaradaha Baladweyne, wararka ay qorayaan warbaahinta Kenya ayuu sheegay in yihiin hadalo aan sal iyo raad lahyn.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in  Garoonka Diyaaradaha Baladweyne uu Yahay Garoon ay joogaan ciidan ammaanka garoonka suga, “diyaardaha rakaabka aha yaa maalin waliba kasoo dageen Garoonka, waana wax aan dhici Karin in garoonkaas ay xoolo soo galaan” ayuu yiri Xuseen Cismaan Cali.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.