spot_img

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hor Yimid Bananbax Uu Iclaamiyay WasiirKa Cusub Ee Amniga

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu gaashaanka udaruuray Qorshe uu waday wasiirka amniga lagu muransayahay ee xukuumadda Soomaaliya

Abdulaahi Maxamed nuur

Wasiirka Amniga ee uu dhawaan  magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa uu saacadiihii lasoo dhaafay kulan la qaatay Qoyska ikraan Tahaliil Faarax isagoona ku amray in banan baxyo ay dhigaan ay ku mujinayaan dareenkooda

Waxaana Amray kaasi ka biyadiiday oo ka hor yimid iclaanka wasiirka lagu muransayahay ee amniga

Cali cabdi wardheere cali yare Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir oo shir ja,raid qabtay

Waxaana uu sheegay in xiligaan aysan macaquul aheyd in bananbaxyo la iclaamiyo islamarkaasna ay ka dhalan karaan halis badan oo dhimaca amniga ah

Guddoomiye Cali yare ayaa Masuuliyadaro ku tilmaamay Amarka uu bixiyay wasiirka Amniga lagu muransayahay Abdulahi maxamed  nuur isagoo sheegay in maamulka Gobolka Banaadir  uusan aqbaleyn in Lagu dhaqaaqo fal sababi kara in halis ay gasho xaalada amni ee Caasimada

 

Arintaan ayaa waxa ay imaanaysaa xili Dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay Wasiirka Cusub Amniga Oo muran xoogan uu dhaliyay gabacaabistiisa

Waxaana Laamaha Amniga Maamulka Gobolka Banaadir Masuul u hadlay uu sheegay in aysan la shaqeyn doonin hadii sharciga uusan soo waafaqin

Related Post

Wararka