Maamulka Degmada Baraawe Oo Looga Diyaar Garoobay Doorashada Barlamaanka Dalka

Iyadoo loo diyaar garobayo doorashada lafilayo doorashada dalka in ay dalka ka dhacdo horaanta sanadkaan 2021 ayaa waxa la sheegay in degaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose si aad ah loogu diyaar garoobay

Degmada baraawe oo ka mid ah deegaanada lagu soo dooranayo xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka dalka ayaa waxa la sheegay in hada laga daremayo udiaaygarow soo doorashada xildhibaanada ka mid noqonaya barlamaanka cusub ee dalku yeelanayo

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka degmada baraawe ee gobolka shabeelaha hoose oo la hadlay warqabad ka simba ayaa waxa uu sheegay in ay u diyaar garoobeen in degmada baraawe ay ka dhacdo doorashada xildhibaada barlamaanka faderaalka somaaliya

Waxaana uu tilmaamay in dhan walba ay ka maamul ahaan u diyaar garoobeen oo ay ka mid tahay sugida amniga goobaha ay doorashadu ka dhacyso ee degmada baraawe

Hadalka mamaulka degmada baraawe ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilo Inta badan deegaanada hooyimada gobolka shabeelaha hoose ay ka dhacan falal lidi ku ah amniga ,Balse maamulka degmada baraawe ayaa taasi badal keeda sheegay amniga degmada uu yahay mid laisku haleyn karo islamarkaasna ay hada qabanayaa doorashada xildhibaanada barlamaanka faderaalka somaaliya ee dhawan la filayo in laso doorto