Maamulka Bandarbeyla oo Cabasho Xoogan ka muujiyey Kooxo Badd Maaxiiyiin

Kooxahaan oo iskugu Jira Haraagii Kooxaha Burcad-baddeeda Soomaaliya ee ka qowlaysan jiray Badda Cas iyo Badd weynta Hiindiya ayaa Markaan waxaa ay Dhibaatooyin Xoogan ay ka Bilaabeen Xeebaha Degmada Bandarbeyla ee Gobalka Barri.

Kooxdaan oo ah Badd Maaxiyiin Burcad-baddeed ah ayaa la sheegay inay Wataan Qalab Casri ah oo ay Xaalufin daran ugu geysanayaan Nuucyo ka mid ah Kalluunka oo dadka Degmadaasi ay Noloshoodu ay ku Tiirsan tahay.

Gudoomiyaha Degmada Bandarbeyla ee Gobalka Barri Siiciid Anteeno oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Walaac ka muujiyey Falalkaan Kooxahaan Burcada ah ay ka Wado Xeebaha Badd-weynta Hiindiyada ee Gobalka Barri waxaana Xusay Burcadaan Dhibaato Xoogan ay ku heysto inka badan 200km oo ah Xeebta ku Xeeran Degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa Tilmaamay in Burcadaan ay u Adeegayaan Dowladda Imaaraadka carabta iyo Wadamo kale oo Dhiirigalinaya Xaalufinta Xeebaha Soomaaliya.

Haraagii Burcad baddeeda Soomaaliya oo wali ku harsan Xeebaha Gobalka Barrie e Dowladda Gobaleedka Puntland ayaa hada la sheegay inay u adeegayaan Wadamada Maraakiibtooda ay Burcad Kalluumeysiga ka wada Xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo Cabasho Xoogan uu muujiyey Maamulka Degmada Bandarbelya.