Laba Qof ee Qaba Coronavirus oo Lagu Karantiilay Magaaladda Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Magaalada muqdisho lagu karantiilay, laba qof oo qaba Caabuqa coronavirus.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay, in labadda qof ee la karantiilay ay kala yihiin qof soomaali ah, iyo qof ajnabi ah.

“Waxaa soo kordhay 2 xaaladood oo cusub oo coronavirus ah, 1 muwaadin iyo 1 ajnabi ah ee ku sugan Muqdisho,tirada guud ee la xaqiijiyey 7,tirada bogsatay: 1,tirada dhimashada 0”, ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Magaaladda muqdisho, waxaa laga furey goobo lagu karantiilo dadka uu soo rito cudurka Carona-virus.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.