Laamaha Amniga Balcad oo Qabtay Nin Soo xirtay Dharka Haweenka+Sawirro

Ciidamadda amniga Maamulka Hir-shabeelle ayaa Xalay Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay ku qabteen Nin soo xirtay Dharka Haweenka.

Ninkan ayay dadka deegaanka arkayn isagoo magaalada dhex socda, islamarkaana ay ka shakiyeen qaabkii uu u socday,waxayna ku wargaliyeen Laamaha amniga maamulka Hir-shabeelle.

Booliska Degmadda Balcad oo haatan gacanta ku haya Ninka soo xirtay dharka Haweenka ayaa sheegay in marka la qabanayay uusan wadanin wax hub ah,islamarkaana baaritaano lagu hayo.

Ilaa haatan lama oga sababta ku qasabtay Ninkaan in uu xirto dharka Haweenka ay xirtaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.