spot_img

Kooxda Ahlusuna Oo Iskaga Baxday Magaalada Guriceel

Warar ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay ay Magaalada Guriceel iskaga bexeen kooxda hubeysan ee ahlusuna islamarkaasna ay si nabdoon kula wareegeen Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Maamulka Galmudug

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay saaka gudaha ugaleen Magaalada oo ay dhex istaageen dhufeysyadii ay ka baxeen kooxda ahlusuna

War qoraal ah oo kasoo baxay warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay dhufeysyada ahlusuna ugu tageen meydad badan

Sidookale waxa ay sheegeen in gawaari Cabdibile iyo beebe ah ay ugu tageen dhufeysyada Ahlusuna ay ka baxeen ee halka loo yaqaan jaamacadaha oo ka tirsan Magaalada Guriceel

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug ayaa haatan la sheegay in Magaalada Guriceel ay kawadaan howlgalo balaaran oo ay amaanka ku xaqiijinayaan

Majiro wali wax war ah oo kasoo baxay hoggaanka kooxda ahlusuna oo looga hadlayo in ay faarujiyeen Fariisimohodi iyo in kale

 

 

Related Post

Wararka