spot_img

Khudbad jeedinta Musharaxiinta Aqalka Sare Oo Maanta Ka Bilaabanaysa Jowhar

Waxaa la filayaan in maata ay si rasmi ah magaalada jowhar ee Caasimada maamulka hirshabeele ay uga bilaabato hadal jeedinta mushraxiinta utartamaya kuraasta aqalka ee hirshabeele

ilaa iyo 6 musharax ayaa ka tanaasulay musharaxnimadood taasi oo ka dhigaysa in maanta 27 labaatan musharax ay hadalkooda ka horjeedin doonaan barlamaanka hirshabeele si maalinta doorshada codka loo siiyo

Xoghaya guddiga doorashada hirshabeele oo la hadalay idaacada simba ayaa waxa uu ka warbixiyay sababta xunaha musharaxiinta qaar ay isku casileen

Waxaana uu sheegay in sababo iyaga ugooni ah in ay u tanaasule balse aysan jirin

wax cadaadis ah oo la saaray

xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in maamulka hirshabeele uu ku dadaalayo sidii doorasho xor iyo xalal ah ay uga dhici laheyd jowhar islamarkaasna loogu kala cadaalad fali lahaa musharaxiinta tartameysa

sida uu qorshuhu yahay maalinta arbacada ah ayaa waxa lagu wadaa in si rasmi ah ay u bilaabato doorshada aqalka sare ee uu qabanayo maamulka hirshabeele

waxaana jira siyaasiyiin qaar oo saluugsan musharaxiinta faraha badan ee iscasilaya iyo waxyaabaha ugu iyadoona siyaasiyiintu ay sheegayaan in ay qabaan dareen ah in doorashada la faragalinayo oo la doonayo xubno lasoo  xulay in ay kusoo baxaan

Related Post

Wararka