spot_img

Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Guddiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug,

Guddiga doorashooyinka heer Federal ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in xilkii laga qaaday guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Galmudug.

Afhayeenka guddiga danjire Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) ayaa sheegay in warka ku aadan in xilka laga qaaday guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Galmudug, Maxamed Daahir Guuled uu yahay waxba kama jiraan.

Waxa uu sheegay in qoraal xil ka qaadis aan sharci aheyn lagu baahiyay baraha bulshadda,islamarkaana Galmudug uu gudoomiyaha guddiga uu ka yahay Maxamed Daahir Guuled.

Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa baraha bulshadda ku baahiyay in xilkii laga qaaday gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Galmudug Maxamed Daahir Guuled, islamarkaana loo magacaabay Maxamed Qaasim Maxamuud.

Related Post

Wararka