Khaad Si Qarsoodi ah Loo Soo Galiyay Guriceel oo La Gubay

Ciidanka ammaanka degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud ayaa waxaa ay howl gallo qorsheysan ka sameeyeen degmadaas, iyagoo gacanta kusoo dhigay khaad si sharci darro ah loo soo galiyay degmadaas.

Ciidanka Booslika iyo Nabad sugidda Gobalkaasi ayaa baaritaanno ay sameeyeen kadib waxaa ay soo qabteen khaad farabadan oo si dhuumaalaysi ah lagu soo galiyay gudaha magaalada, waxaana ugu danbeyntii ay ku gubeen goob fagaare ah.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in qaad la keeni deegaanka, si looga hortego faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka.

Waxaa horay loo mamnuucay khaadka, waxaana xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay soo saartay amar ah in aan wax khaad ah laga soo dajin Karin dhammaan gudaha dalka, horayna tiro dhowr bjeer ah ayaa khaadka loogu gubay magaalooyinka ay ka mid yihiin: Muqdisho, Boosaaso iyo Garowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.