Kenya oo Sheegtay in La Qabtay Madaxii Qaxraydda Al-Shabaab ee Kenya

Ciidamadda amaanka Dowladda Kenya ayaa sheegay in maalinimaddii jimcada aheyd ay gacanta kusoo dhigeen sarkaal sare oo Al-shabaab uqaabilsanaa  weerarada ka dhaca gudaha dalka kenya gaar ahaan Xaduuda.

Sarkaal ka dambeeyay weerarkii dhawaan lagu dilay 11 askari oo kamid ah Ciidamadda kenya kuwaasi oo qarax lagula beegsaday Xuduudda Somaliya iyo kenya.

Booliska kenya waxa ay sheegeen iney gacanta kusoo dhigeen sarkaal soo abaabulay weerarkii qaraxa lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada kenya kuwaasi oo marayay xuduuda ay u dhaxeyso wadamada somalia iyo kenya sarkaal ay gacanta kusoo dhigeen booliska kenya waxa ay ku sheegeen magaciisa Abdullahi Banaati.

“Baaritaanno aynu sameynay waxa ay muujinayaan in weerarkii u dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday askarta kenya ay ka dambeeyeen koox kamid ah Al-shabaab oo uu hogaaminayay Abdullahi banaati oo ahaa maskaxdii kadambeesay weerarkaasi iyo weeraro kale oo lagu bartilmaameedsaday xurumo dowladeed iyo sidoo kale saraakiil kamid ah ciidamada amaanka dowlada kenya” sidaa ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay booliska dowlada kenya.

Booliska kenya waxa ay sheegeen in haatan ay wadaan baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan sarkaalka katirsan alshabaab sida ay ugu suurto gashay inuu abaabulo howlagallo lagu bartilmaameedsanayo ciidamada amaanka dowlada kenya ay kusocdaala xadka kalaqeybiya wadamada somalia iyo kenya,Booliska kenya waxa ay sheegeen in haatan ay kuguda jiraan baaritaanno lagu baadi goobayo xubnihii la socday Abdullahi banaati oo ay sheegeen iney ku dhuumaaleysanayaan xuduuda somalia iyo kenya.

Dhawaan ayay aheyd markii qarax alshabaab dhulka lagu aasay ay la bartilmaameedsadeen kolonyo ay wateen ciidamadda amaanka dowlada kenya islamarkaana ay halkaasi ku geeriyooday 11 askari oo kamid ah ciidamada booliska dowlada kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.