Kenya iyo Somaliya oo Sheegay Dacwadda ICJ Inaysan Hakin Doonin Xiriirkooda

Wasiiradda Maaliyadda Dowladaha Soomaaliya iyo kenya ayaa meesha ka saaray in Muranka badda ee u dhaxeeya Labadda dal uu saameyn ku yeelanayo socodka gargaarka bini’aadanimo iyo ganacsiga.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Magaaladda Washington ee dalka mareykanka kula kulmay ku simaha Xoghayaha Lacagta Kenya Ukur Yatani.

Labadda mas’uul ayaa sheegay in qorshaha labadda wasaaradood ee ku wajahan Socodka gargaarka bini’aadanimo iyo ganacsiga, uu socon doono.

Dowladda Kenya oo kamid ah wadamada dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika, ayaa waxay saldhig u tahay ururro badan oo gargaar siiya Soomaaliya, oo ka soo kabanaysa ku dhawaad 30 sano oo dagaal sokeeye ah.

Soomaaliya ayaa hay’addaha caalamiga ee wada shaqayntu kala dhexeyso ka dalbatay in shirarka arimaha binu’aadanimada ee lagu qaban jiray Kenya loo wareejiyo meelo kale, maadaama Xiriirka labada waddan uu xun yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.