Jubbaland oo War Kasoo Saartay Duqeyn Lala Beegsaday Sarkaal Shabaab ahaa

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay duqeyn Diyaaradaha mareykanka ay ka fuliyeen Gobolka Jubadda Dhexe ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday Guri uu ku sugnaa Sarkaal ka tirsanaa Shabaab,islamarkaana lagu dilay duqeyntaas.

Cabdinuur Ibraahim ma uusan sheegin magaca Sarkaalka la duqeeyay,iyo waxa Shabaab u qaabilsanaa.

Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa Duqeyn ka fuliyay Gobolka Jubadda Dhexe ee Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday 30-kii bishii hore Degmadda Jilib ay gacanta ku hayaan dagaalyahanadda Xarakada Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in Duqeynta lala beegsaday Saldhig Shabaab ay ku lahaayeen Degmadda Jilib, islaarkaana lagu dilay dhowr xubnood oo Shabaab ka Tirsanaa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.