Jubbaland oo Si Kulul Ugu Hadashay Hadal Kasoo Yeeray Madaxweyne Farmaajo+Dhageyso

Maamulka Jubbaland ayaa si kulul uga hadlay,Hadalkii Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaasi oo ku aadanaa in Dowladda Kenya ay Faro galin ku heyso Arimaha Maamulka Jubbaland islamarkaasna ay Dowladdiisu  Difaacayso Deegaanadaasi ayadoo adeegsanaysa Ciidamada Amniga ee dhawaan loo daad gureeyey Degaano ka tirsan Gobalka Gedo.

Wasiir ku Xigeenka Arimaha Gudaha Cabdiraxmaan maxamed Xussen oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Nasiib daro ku tilmaamay hadalkii Madaxweynaha Jahruuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ku aadanaa in Dowladda Kenya ay ku soo xadgudubtay Xuduudaha Dalka gaar ahaan Deegaanada Gobalada Jubooyinka iyo Gedo ka dib markii Kenaya ay la Safatey Maamulka Jubbaland ee Garabka Madaxweyne Axmed Maxamed Islamaan (Axmed Madoobe) waxa uuna Xusay in hadalkiisi uu yahay mid aan la Fiirsan oo Colaad ka dhex Abuuraya Bulshada labada Wadan ee Soomaaliya ito Kenya.

Wasiir ku Xigeenka ayaa Beeniyey in Xiriir gaar ah uu ka dhexeeyo Maamulka Juubbaland iyo Dowladda Kenya waxaa uuna sheegay in labada dhan ay ka dhexeeyso oo kaliya darisnimo,taasi  oo ku aadan la Dagaalan wax loo yaqaano argagixisada iyo Iskaashiga Amniga Gobaladada Dariska ah.

Dhankale Wasiir ku Xigeenka Arimaha Gudaha Cabdiraxmaan maxamed ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay u daabushay  Gobalka Gedo ay geysteen Boob iyo Barakicin Shacabka Deegaanada Gobalkaasi oo markii Hore Nabadgalyo ay ka jirtay waxaanu intaasi hadalkiisa uu sii raaciyey in Bulshada Gobalka Gedo ay ka soo horjeesteen in Colaada laga dhex abuuro.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Kenya ku Dhaqaaqday Tilaabooyin ka dhan ah Madax banaanida Soomaaliya, waxaanu uga baaqeyn inay joojiso Falalka ay ka wado Deegaanada Jubaland iyo Guud ahaan Xududuudaha labada Dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.