Jubbaland oo Sheegtay in Maalinta Bari ay Tahay Maalin Ciid

Dowladd goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in maalinta berri ah ay tahay ciid kadib markii bisha Shawaal laga arkay goobo kala duwan oo dalka ah.

Agaasimaha waaxda Diinta iyo Awqaafta ee wasaaradda Caddaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha diinta Jubbaland Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa shaaciyey in ay berri tahay ciid.

Goobaha gobolka Jubbada Hoose ee laga arkay bisha Shawaal waxaa kamid ah Xayo, Qooqaanni, Taabto, Filfilaah iyo Waraha Dhoobley.

Sidoo kale waxaa laga arkay deegaanka Gamboole oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, Ufurow oo katirsan gobolka Bay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.