Jubbaland oo Sheegtay in DFS ay Khal gelinayso Nabadgelyada Magaaladda Kismaayo

Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay fashiliyeen isku day ay Dowladda Federaalku ku khal khal gelinayso nabadgelyada magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay dhabarka ka jebiyeen qorshe ay Dowladda Federaalku ugu talo gashay in ay ku bur-buriso nabadgelyada magaalada Kismaayo, iyada oo adeegsanaysa kooxo malayshiyaad ah, uu kala jeeday Madaxweynayaasha Golaha isbadal doonka.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay safarkii aymagaalada Kismaayo ku ku tageen Taliyaha howlgalka AFRICOM Stephen Townsen iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donal Yamamoto.

Ciidamadda Maamulka Jubbaland iyo ciidamo daacad u ah C/naasir Seerar oo sheegtay  in uu Madaxweyne yahay ayaa shalay ku dagaalamay Magaaladda Kismaayo,waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.