Jookar:-“Al-Shabaab Qof Walba ayaa u Diiwaangashan Xiligaan”,+Dhageyso

Korneel C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ah Siyaasiyiinta Reer Jubbaland ayaa ka hadlay ergooyinka deeganada Shabaab iska diiwaan galiyay.

Waxa uu sheegay Korneelka in Shabaab ay xili dhibaatooyin ku hayaan Waxgaradka,balse ay haatan ugu dareen in ay isa soo diiwaan galiyaan.

Korneel C/nuur Jaamac Jookar ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qorshe u dajiyaan amniga Ergooyinkii doorashaddda Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa Degmadda Xarardheere ee Gobolka Mudug kusoo bandhigay 90-qof oo isugu jiray Odayaal dhaqmeed iyo Ergooyinkii kale ee Xildhibaanada golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kusoo doortay magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.