Iska Hor imaad Ka Dhacay Muqdisho, Taliye Cali Culusow Oo Ku Dhaawacmay

Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo kawada Tirsan kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska iyo Malatariga ayaa Duhurnimadii maanta ka dhacay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka,iska hor imaadkaan ayaa ka dhashay muran ku saabsan lahaanshaha dhul ku yaal degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay waxaa iska hor imaadka ku dhintay laba askari oo ka tirsanaa Ciidamadda dagaalamay.

Sidoo kale waxaa iska hor imaadka ku dhaawacmay Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hiliwaa Gaashaanle Cali Culusow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.