Imaraadka oo La Sheegay in Ay Diidan Yihiin Qaranimadda Soomaliya+Dhageyso

Maalintii  shalay aheyd ayaa waxaa magaaladda boosaao ka furmey shirka iskaashiga maamul goboleedyada jubland iyo puntland waxaana shirkaasi looga  hadlay siyaasadda Amniga doorashooyinka iyo arimaha batroolka .

Shirkaan waxaa si wadajir ah u furey Madaxweynayaasha maamuladda Puntland iyo Jubbaland, oo haatan oo u muuqda kuwa sameynaya isbaheysi kasoo horjeeda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Mid kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliya ayaa qaba in Dowladda Imaaraadka Carabta ay maalgalinayso shirkaas,islamarkaana ay kasoo horjeedo danaha Soomaaliya.

Faarax Cayduruus oo kamid ah qaranka isbedeldoonka oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dowlada imaaraadku had iyo jeer ay kasoo horjeedaan qaranimda somaaliya isagoo tibaaxey in imaaraadku somaliya ay ka leeyihiin ujeedooyin badan oo ay kamid yihiin in somaliya aysan la dooneyn dowlad madax banaan oo kheyraadkeeda soo saarata.

Ugu danbeyntii Waxaa uu sheegay in imaaraadku ay qarashaad badan ku bixiyeen sidoo loo burburinlahaa qaranimda Soomaaliya.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.