Imaaraadka oo Qalab Caafimaad Ka Dajiyay Garoowe, iyo Puntland oo Soo Dhaweysay+Sawirro

Madaxweyne Deni oo uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Agab Caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus, kaasi oo Imaaraadku ugu deeqay Puntland.

“Waxaan uga mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus.

Xilligan waxaa dagaal adduunka oo dhan kula jiraa halista Covid-19 oo si xowli ah ku fidaya, waana loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, aad baan ugu mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka oo agabkan nasoo gaarsiisay xilli aad loogu baahanyahay“

=DHAMMAAD=

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.