Hogaamiyaha Hirshabeele iyo Madaxweyne Shaikh Shariif Oo Kulan ku qaatay Muqdisho

madaxweynaha Maamulka hirshabeele Cali Cabdulaahi guudlaawe ayaa waxa uu xalay kulan qaas ah la qaatay madaxweynihii hore ee dalka sheikh shariif sheikh axmed

Labada masuul ayaa waxa la sheegay in kulanoodu uu ahaa mid is xogwareeysi islamarkaasna ay uga wada hadleen arimo badan oo kusaabsan rabshadiihii ka dhacay magalaada muqdisho iyo siidii xal loogu helilahaa

Waxaa kaloo ay ka wada hadleen arinta kusaabsan doorashada la filayobin dalka ay ka dhacdo iyo sidii caqabada jira ama arimahablaisku mari la.ayahay xal loogu heli lahaa

Kulan hogaamiyaha dowlad goboleedka hirshabeele cali guudlaaaye iyo madaxweynihii hore ee dalka sheikh shariif sh axmed ahna Gudoomiyaha midowga musharaxiinta ayaa waxa uu imaanaya xili qaar ka mid ah madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada ay ku suganyihiin muqdisho islamrkaasna ay doonayaan in ay ka qeyb galaan shirarka ka dhacaya muqdisho ayna wax ka xaliyaan khilaafaadka ka dhashay arimaha doorashooyinka

Madaxweynaha maamulka hirshabeele ayaa horay waxa uu ula kulmay madaxweynihii hore ee dalka xasan sheikh maxamuud islamarkaasna uu kala hadlay arimo badan oo kusaabsan xaalada cakiran ee dalka