mdaxweynaha maamulka puntland saciid cabdulahi dani oo xalay khudbad dheer jeediayay ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ku saansan xaalada siyaasadeed ee dalka
madaxweyanaha puntland ayaa waxa uu sheegay in wax kasta oo dhacay uu masuuliyadeeda leedahay madaxweyne farmaajo oo uu sheegay in dalka uu dano gaar ah ka leeyahay
waxaana uu sheegay in kmadaxweynaha ay ku wada kulmeen shirar dhowr ah islamrkaasna ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo in loobaahanyahay in dalku uu bdoorsho aado balse uu dhagaha ka fureystay
madaxweynaha puntland saciid dani ayaa sheegay in madaxweynaha uu u sheegay in waqtigu uu ka dhamaaday uusana meesha iska sii joogi karin islamarkaasna ay qasabtahay in doorasho dhacdo
waxaan uu dani sheegay in madaxweynaha aysan taasi u muuqan oo uu aaminsanyahay inwaqti uu ku darsan karo ayna sharcitahay
hoaamiayaha puntland ayaa dhankale tilmaamay in madaxweynaha ay kala hadleen sadax qodob oo ay ku jirto arinta gobolka gedo falcelin feecan oo aan ku qanacno aanan ka helin ayuu yiri dani
madaxweyne dani ayaa sheegay in habeen ka hor uu madaxweyne farmaajo ka lahadlay shaqaaqadii ka dhacday muqdisho islamarkaasna uu sacad ugu sheegay in cid kasta oo dowladda isku dayda in ay ka hortimaado ay iska leexinayaan.
hogaamiyaha puntland ayaa soo hadal qaadqay ciidamada dowladda ee haramcad iyo gorgor waxaana uu sheegay in kaliya ay yihiin ciidamo loo diyaariayay in lagu dagaalamo dadka soomaaliyeed ee ka aragtida duwan dowladda
saciid dani ayaa waxa uu ugu danbeyn xusay in dadku ay mar walba u sheegayaan in uu dhaqan galiyo heshiiskii 17 september balse ay wax badani ka dambeeyeen oo in lais kala hadlo ay mudan tahay sida buu yiri rabshadiihii muqdisho ka dhacay .
hadalka madaxweynaha puntland ayaa waxa uu imaanaya xili hogaamiyaasha puntland iyo jubbaland aysan wali imaan muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka uu ku baaqay madaxweyne farmaajo